Shacabka Gobolka Banaadir Oo Lagu Qasbayo Diiwaangelinta Doorashada

Image

Muqdisho – Waxaa soo baxaya walaac xoogan oo ka taagan habka diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, halkaasoo shacabka lagu qasbayo inay si degdeg ah u diiwaangeliyaan codbixiyeyaashooda. Cadaadiskan ayaa dhalisay caro iyo su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada doorashada.

Gudiga qabanaya hawshan ayaa lagu eedeeyay in uusan ku shaqeynayn si hufan iyo dhexdhexaad ah, iyadoo ay jiraan cabashooyin sheegaya in Madaxtooyadda Soomaaliya ay saameyn xooggan ku leedahay howlaha gudiga. Waxaa si gaar ah loo xusay in guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, uu sanadkii 2022 ahaa madaxa ololaha doorashada Madaxweynaha waqtigaas xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo dhalisay shakiyo ku saabsan madax-bannaanida guddiga.

Dadweynaha gobolka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa muujiyay welwel xoogan oo ku saabsan sida arrintan ay u dhaawici karto kalsoonida shacabka iyo hufnaanta doorashada. Bajaajleyda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shaqadooda laga joojiyo marka ay wadooyinka marayaan, isla markaana lagu qasbo inay tagaan goobaha isdiiwaangelinta, taasoo ah cadaadis toos ah oo saaran muwaadiniinta.

Shacabka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqaya madaxda dalka iyo hay’adaha la xiriira in ay hubiyaan in doorashada lagu qabto jawi xor iyo cadaalad ah, iyadoo la ilaalinayo xaqa muwaadinka. Waxa ay ku baaqeen in laga hortago in codadka lagu qasbo ama lagu shubo si aan sharci ahayn, si doorasho xor ah oo daahfuran loo xaqiijiyo.

Doorashadda ayaa la filayay inay dhacdo bishan, laakiin dib u dhacday sababo la xiriira in uu jiro khilaaf siyaasadeed xoogan oo ku aadan qaabka Madaxtooyadda wax u wado, ah dhismaha Gudiga doorashadda, wax ka bedelka dastuurka iyadoo aan lagal tala-gelin saamileyda siyaasadda qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM