Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Image
Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in baarlamaanka uu u meelmariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin, sidda uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo haatan ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa qodobadan soo bandhigin kahor codka la doonayo in loo qaado mashruuca wax ka badalka Dastuurka ku meelgaarka ah.

Shanta qodob ayaa kala ah;

1- In Madaxweynaha qof iyo cod lagu soo doorto, waxaa halkaa ku duugan in uu xilka haynayo ilaa ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacayso. Hore uma dhicin taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya mar uusan Baarlamaanku dooranin Madaxweyne, 1960- 2022, marka laga reebo xukunkii Milateriga. 

2- Guddi doorasho oo qabta labada heer doorasho ee Federaal iyo Dowlad Goboleed, taasoo ka dhigan go’aaminta cidda ka soo baxaysa doorashooyinka dawlad goboleedka.

3- In jagada Ra’iisul Wasaaraha meesha laga saaro oo Madaxweyne iyo ku xigeen la sameeyo, ama laga dhigo Ra’iisul Wasaare uu Madaxweynuhu eryi karo, Baarlamaanka la’aantiis. Markii ugu horraysay taariikhda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya  Baarlamaan magac u yaal ah oo aan madaxweyne dooranaynin, Ra’iisul Wasaarana xil ka qaadi karin. 

4- Labo Xisbi oo mid hantida iyo awoodda dawlada lagu dhiso iyo mid malxiis u ah. 

5- Hal degaan doorasho oo liis xiran ah, magacyada xildhibaannada iyo kuraastaba uu hoggaamiyaha xisbiga go’aaminayo.


Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in Sabtida soo aadan ay cod u qaadaan wax ka badalka dastuurka gaar ahaan afar cutub oo ay hareeyeen doodo waaweyn ayna mucaaradka sheegeen in la doonayo in lagu abuuro nidaam kaligii-talis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM