Shariif oo si adag uga hadlay dilka askar kamid ah ciidanka xoogga

Image
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa dhacay xilli ciidamadan ay ku maqnaayeen fasax iyo safar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilka lix askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo darawalkoodii ka dhacay degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo ku tilmaamay mid naxdin leh oo ka tarjumaysa caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dalka ka jira.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa dhacay xilli ciidamadan ay ku maqnaayeen fasax iyo safar ay ku tageen qoysaskooda oo ku sugan gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in maleeshiyaadka ay la beegsadeen weerar aargoosi ah oo ay dhamaantood madaxa ka toogteen. Meydadka dadka dhintay ayaa tan iyo markii loo qaaday Hiiraan si loogu aaso.

"Aad baan uga xumahay colaadaha ka taagan qaybo badan oo dalka ka mid ah iyo sida macno-darrada ah ee loo daadinayo dhiigga Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran. "Dhacdooyinkani waxay muujinayaan fashil siyaasadeed iyo rajo la'aan bulsho."

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku booriyay Soomaalida in ay joojiyaan colaadaha ku saleysan qabiilka ayna ka shaqeeyaan midnimada qaranka.

Weerarkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa xiisada aan wali xal loo helin ee u dhaxeysa beelaha Xawaadle iyo Abgaal, kuwaasi oo ku dagaalamay deegaanka Ceel-baraf iyo deegaanada kale ee dhaca xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dadaallo nabadeed oo hore ayaa lagu guuldareystay in lagu xalliyo khilaafaadka, taas oo saamaxday in rabshaduhu ay sii jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM