Shariif: Saddexdan qodob ayaa baajin karta weerarada gaadmada AS

Image
Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa bogaadiyay iska-caabinta ay sameeyeen ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii hore Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey degaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Shariif oo soo dhaweeyay iska-caabinta ay sameeyeen ciidamadda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay talo uu shaaciyay in ay looga hortagi karo weerarada noocaan ah.

"Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Degaanka oo saaka ka hortagay weerar kooxaha argagixisada ku soo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud," ayuu qoray.

Waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan Alle uga baryayaa inta ku dhimatay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, dhaawacana caafimaad taam ah siiyo".

"Weerarada gaadmada ee cadowga argagixisada waxaa looga hortagi karaa isku duubni, midnimo iyo wada shaqeyn dhexmarta bulshada iyo ciidamada," ayuu tibaaxay.

Shariif ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waana in ciidanka iyo saraakiishooda lagu abaalmariyo gudashada waajibkooda qaran ee difaaca dadka iyo dalka".

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah la beegsata fariisimaha ciidamadda Soomaaliya ee gobolada waxaana muuqanaysa in wali aanan wax cashar laga baran xeeladaha kooxda hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM