Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif, ayaa si adag uga hadlay fashilka dowladda federaalka ee ku aaddan dagaalka Al-Shabaab iyo haysashada magaalooyinkii horey kooxda laga saaray, kadib markii degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan shalay la qabsaday.

Sheekh Shariif ayaa arrintan ku tilmaamay "mid murugo leh oo ka tarjumaya dayacaad iyo fashil dhanka hoggaan," isagoo ka digay in hadii dowladda la imaan ficil dhab ah ay Al-Shabaab halis weyn gelinayso amniga qaranka.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay qaataan tallaabo degdeg ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida magaalooyinka muhiimka ah ee horey laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayna ka hortagaan in weeraro ama dib u qabsasho ka dhacaan.

"Fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo haysashada magaalooyinkii horey looga saaray wuxuu khatar gelinayaa amniga guud ee dalka, waxaana looga baahan yahay dowladda Federaalka tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada shacabka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo xaaladaha amni ee Hiiraan iyo meelo kale oo ka tirsan dalka ay weli yihiin kuwo cakiran, isla markaana Al-Shabaab ay weli wado weeraro iyo isku dayo dib u qabsasho ah. Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM