Shiinaha oo Digniin u Diray Somaliland isagoo Baalmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

Muqdisho (GO) – Dowladda Shiinaha ayaa war-saxaafadeed adag oo si toos ah uga soo baxay safaaraddeeda Muqdisho ku cambaareysay xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya maamulka Somaliland iyo jasiiradda Taiwan, taas oo Shiinuhu u arko qayb aan ka go’i karin dhulkiisa.

War-saxaafadeedka, oo si adag u hadlaya, ayaa lagu sheegay in booqashada uu dhawaan ku tegay Taiwan sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland iyo heshiis la sheegay in lagu kala saxiixday arrimaha ilaalada xeebaha ay tahay mid “ku xadgudbeysa mabda’a hal-Shiine ah” isla markaana wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dalka Shiinaha.

“Maamul-goboleedka Somaliland wuxuu ku xad-gudbay midnimada Shiinaha, adduunka waxa ka jira Hal Shiine, Taiwanna waa qayb aan naga go’i karin… Somaliland waa qayb kamid ah Soomaaliya, waan uga digeynaa xidhiidh ay la sameeyaan Taiwan,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Digniintaan oo ah tii ugu cuslayd ee Beijing u dirto maamul Soomaaliyeed ayaa si toos ah loogu jeediyay Somaliland iyadoo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la tilmaamayo inay ka tarjumeyso isfaham la’aan ama shaki Shiinuhu ka qabo doorka dowladda dhexe ee la xiriira arrimaha maamulada dalka ka jira.

Shiinaha ayaa sheegay in Taiwan aysan waligeed noqon dal madax-bannaan, mana noqon doonto, wuxuuna ku tilmaamay “iskuday siyaasadeed oo is khiyaano ah” in Taiwan ay la macaamisho Somaliland si ay u hesho aqoonsi caalami ah.

Bayaanku wuxuu si gaar ah u xusay in sanadkan uu ku beegan yahay 80 guuradii kasoo wareegtay guushii Shiinaha ee dagaalkii ka dhanka ahaa xukunkii Fashiistiga iyo xoreyntii Taiwan. Waxa uu sidoo kale xusay in qaraarkii Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2758, ee la meel mariyay 1971, uu meesha ka saaray wax suurtagal ah oo ku saabsan “laba Shiine” ama “Shiine iyo Taiwan” oo kala gaar ah.

Shiinaha wuxuu si cad u sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, islamarkaana uu si adag uga soo horjeedo xiriir kasta oo rasmi ah ama dadban oo dhex mara Somaliland iyo Taiwan.

“Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Somaliland in ay garwaaqsadaan xaqiiqada taariikheed, kana fogaadaan wax kasta oo iyaga u horseedi kara cawaaqib xumo ay iyagu sabab u yihiin,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay si joogto ah uga dhex socoto tartanka saameynta gobolka ee u dhexeeya quwadaha waaweyn sida Shiinaha, Maraykanka, Turkiga iyo Midowga Yurub—iyadoo khilaafka Taiwan iyo Shiinuhu noqdey mid ku soo fishy Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE 

 

© Garowe Online 2025

Related Articles

Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas oo kawada tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 08:05AM

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM