Shiinaha: Somaliland waa dhul ka mid ah Soomaaliya

Image
Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo heshiisyada caalamiga ah.

Beijing (GO) - Dowladda Shiinaha ayaa war ka soo saartay xiisada ka dhax aloosan gobolka Geeska Afrika, taasoo a dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana daaran heshiiskii ay kala saxiideen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Warmurtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu yiri: “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed”.

Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo heshiisyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay in wadamada gobolka ay yeeshaan wadahadalo diblumaasiyadeed oo ay iska kaashadaan dhanka horumarka.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii gobolka iyo caalamkaba laga diiday mowqifka Itoobiya iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo lagu tilmaamay “mid sharci darro ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM