Shiinaha: Somaliland waa dhul ka mid ah Soomaaliya

Image
Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo heshiisyada caalamiga ah.

Beijing (GO) - Dowladda Shiinaha ayaa war ka soo saartay xiisada ka dhax aloosan gobolka Geeska Afrika, taasoo a dhaxeysa dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana daaran heshiiskii ay kala saxiideen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.

Warmurtiyeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu yiri: “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed”.

Shiinaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo heshiisyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay in wadamada gobolka ay yeeshaan wadahadalo diblumaasiyadeed oo ay iska kaashadaan dhanka horumarka.

Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii gobolka iyo caalamkaba laga diiday mowqifka Itoobiya iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo lagu tilmaamay “mid sharci darro ah”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM