Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasime ku xigeenka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa shir socday muddo labo maalmood ah ugu soo gabo gabeesay magaalada Muqdisho ilaa 22 sarkaal oo ka kala socday hay’addaha kawada shaqeeya bar-xaduudka Kenya iyo Ethiopia.

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Hey’adda Xuseen Abdullaahi Sheekh ayaa ku bogaadiyay wadashaqaynta Ha’addaha isla markaana ku dhiirageliyay in lawada xoojiyo dowlnimadana iyo ilaalinta amniga xudduudaha dalka.

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo oo lagu dhisay Guddi isku dhafan oo ka howgala Bar-xudduudeedyada Dhoobley iyo Raaskambooni oo aas aas u noqonaya wadashaqaynta hay'adaha ka howlgala xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONNLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM