Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasime ku xigeenka Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa shir socday muddo labo maalmood ah ugu soo gabo gabeesay magaalada Muqdisho ilaa 22 sarkaal oo ka kala socday hay’addaha kawada shaqeeya bar-xaduudka Kenya iyo Ethiopia.

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Hey’adda Xuseen Abdullaahi Sheekh ayaa ku bogaadiyay wadashaqaynta Ha’addaha isla markaana ku dhiirageliyay in lawada xoojiyo dowlnimadana iyo ilaalinta amniga xudduudaha dalka.

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo oo lagu dhisay Guddi isku dhafan oo ka howgala Bar-xudduudeedyada Dhoobley iyo Raaskambooni oo aas aas u noqonaya wadashaqaynta hay'adaha ka howlgala xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONNLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM