Shir looga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhameystirka dastuurka oo ka furmay Garoowe

Image
Siyaasiyiin iyo wakiilo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray Garowe.

Garowe, Soomaaliya - Shir looga hadlayo marxalada uu dalku marayo iyo khilaafka ka taagan arrimaha Dastuurka ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirka ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Siyaasiyiin iyo wakiilo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Garowe, taasoo loo arkay inay tahay saansaan kutlad ka soo horjeeda wax ka bedelka dastuurka ee uu dardargelnayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa barbar socda kullaamo oo madaxweyne Xasan sheekh la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka, isaga oo ka codsatay inay Codka kolsoonida u qaadaan 4-ta Cutub oo ay Baarlamaanku ka doodeen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in qaar ka mid ah wakiilada uu u ballan qaaday xilal wasiirnimo haddii ay kala shaqeyaan dardargelinta dhameystirka dastuurka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu dhaqan gelin doono qodobadii uu ku galay ololaha doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM