Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo la filayay in si rasmi ah uga furmo Muqdisho Maanta, May 1, 2025, ayaa dib loo dhigay.

Shirkaas oo markii hore uu soo bandhigay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay si loo sameeyo wadatashi dheeraad ah oo dhex mara hogaamiyayaasha dalka.

Bayaan gaaban oo kasoo baxay bogga rasmiga ah ee Facebook-ka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u dhaca shirka sababay wadatashi dheeraad ah oo dhexmaray hogaamiyayaasha dalka, sida ay ku xusan tahay bayaan-ka.

"Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo lagu qorsheeyay inuu si rasmi ah uga furmo Muqdisho berri, ayaa dib loogu qorsheeyay Isniinta, May 5, 2025, ka dib wadatashiyo dheeraad ah oo dhexmaray hogaamiyayaasha dalka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida laga soo xigtay bayaanka, dib u dhaca shirka waxaa looga golleeyahay in la sii kordhiyo waqtiga wadatashiga iyo in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo in laga gaaro natiijooyin mideysan oo u adeegaya danaha shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in dib u dhaca shirka uu sababay cadaadis ka yimid Madaxtooyada Puntland iyo Jubbaland, oo ku dooday inay shirka lagu qabto Garoowe, talo ay si xooggan uga horjoogtay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogo la helay ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ee dhawaan la kulmay Madaxweynaha Xasan Sheekh ay ku baaqay in la qabto Shir ballaaran oo dhinacyada saamileyda siyaasadda u dhan yihiin iyo bulshadda rayidka si loo sameeyo mideyn qaran, maadaama shirka NCC la qaban tan iyo Oktoobar 2024.

Shirkii ugu dambeeyay ee NCC ayaa lagu qabtay Oktoobar 2024, laakiin khilaaf siyaasadeed ayaa shirkaas baabi'iyay, taasoo keentay in Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madobe, uu ka soo baxo shirka isagoo si degdeg ah uga tagay Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo dowlad-goboleedyada ayaa saameyn ku yeeshay diyaarinta shirkan, iyada oo si xun u saameysay hawlgallada militeri ee looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Waxaa weli lama garaneyn in shirka dib loo dhigay uu dhab ahaan dhacayo Isniinta May 5, maadaama dadaallo hore oo shirka lagu qaban lahaa ay marar badan dib u dhacday.

Dhanka kale, xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii ugu dambeeyay ee xafiiska ku jirta, inkastoo nooca doorashada dalka lagu qabanayo aan la isla aqoonsan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa horey u sii wadaysa hanaankeeda doorasho ee muranka dhaliyay iyadoo aan la helin oggolaansho ka yimid dowlad-goboleedyada iyo daneeyayaasha siyaasadeed ee kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM