Shirkad ajnabi ah oo laga joojiyay mashruuc laga fulinayo Soomaaliya

Image
Mashruucan oo uu hirgelinayo Bangiga Aduunka ayaa waxaa ku baxaysa aduun dhan $28.5 milyan.

NAIROBI, Kenya - Bangiga Adduunka ayaa shirkad laga leeyahay Switzerland oo ka shaqeysa la talinta ka mamnuucay mashruuc soconaya tobban bilood kaasoo laga fulinayo gudaha Soomaaliya.

Shirkadda oo lagu magacaabaa Africa Enablers GmbH ayaa dooneysay in ay hesho qandaraasyada ee la xiriira hay'adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo Barnaamijka Fursadaha (Score Project).

Baanka Adduunka ayaa bayaan uu soo saaray Talaadadii ku sheegay in shirkadda oo ay weheliyaan labada qof ee ugu sareysa oo kala ah; Philipp Schuller iyo Stephan Willms ay muujiyeen anshax-xumo ku aaddan hufnaanta tartanka.

Mashruuca ay dalbadeen ayaa waxaa ku baxayso $28.5 milyan oo dollar. Philipp iyo Stephan ayaa lagu eedeeyay inay ka been sheegeen waayo-aragnimadii hore ee shirkadda ee qandaraaska.

Xayiraada la saarey shaqsiyaadkan waxay ka kooban tahay 10 bilood oo bilaw ah, muddadaas oo Africa Enablers iyo maamulayaashu aanay xaq u yeelan doonin inay ka qaybqaataan mashaariicda iyo hawlgallada ay maalgeliyaan hay'adaha xiriirka la leh Bangiga Adduunka.

Intaas ka dib, cunaqabatayntu waxay isu bedelaysaa shan bilood kale oo ay shuruud la'aan shirkadda iyo maamulayaashu ay xaq u yeelan doonaan inay ka qaybqaataan mashaariicda.

Hase ahaatee, shuruudo ah inay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran heshiiska iyo wanaajinta hawlaha ay maalgeliyaan hay'adaha gacansaarka la leh Bangiga Adduunka.

Barnaamijka Fursadaha (Score Project) waxaa loogu talagalay in la kobciyo maalgashiga gaarka ah iyo shaqo abuurka. Sidoo kale, waxaa lagu wanaajinayaan horumarka dhanka dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM