Shirkada Hormuud oo dalka ka hirgelisay adeegga 5G Internet

Image
Adeegga 5G ayaa sare u qaadi doona xawaaraha Internet-ka.

Muqdisho, Soomaaliya - Shirkadda Hormuud ayaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ka hirgelisay adeegga 5G Internet, iyadoo macaamiisha isticmaala 4G looga dhigi doono 5G si lacag la’aan ah laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay March 21.

Adeegan ayaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Gaalkacyo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Baladwayne, Afgooye, Marka iyo Dhoobleey.

Shirkada Hormuud ayaa carabka ku dhufatay in xawaaraha sare iyo adeegga 5G ay wax badan ka caawin doonaan macaamiisha ku tiirsan adeegyada ay bixiso Shirkada.

Adeegga 5G wuxuu siin doonaa macaamiisha Internet xawaarihiisa gaaraya 10Gbps/100Gbps/200Gbps/400Gbps iyadoo lagu saleynayo baahida qofka isticmaalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM