Shirkada Hormuud oo dalka ka hirgelisay adeegga 5G Internet

Image
Adeegga 5G ayaa sare u qaadi doona xawaaraha Internet-ka.

Muqdisho, Soomaaliya - Shirkadda Hormuud ayaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ka hirgelisay adeegga 5G Internet, iyadoo macaamiisha isticmaala 4G looga dhigi doono 5G si lacag la’aan ah laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay March 21.

Adeegan ayaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka kala ah: Muqdisho, Kismaayo, Gaalkacyo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Baladwayne, Afgooye, Marka iyo Dhoobleey.

Shirkada Hormuud ayaa carabka ku dhufatay in xawaaraha sare iyo adeegga 5G ay wax badan ka caawin doonaan macaamiisha ku tiirsan adeegyada ay bixiso Shirkada.

Adeegga 5G wuxuu siin doonaa macaamiisha Internet xawaarihiisa gaaraya 10Gbps/100Gbps/200Gbps/400Gbps iyadoo lagu saleynayo baahida qofka isticmaalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM