Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmey mas’uul sare oo ka tirsan Midowga Africa

Image
Kulankan ayaa daarnaa muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada dhamaan dalalka Africa,

Addis Ababa (GO) - Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” ayaa la kulmey Xoghayaha Guud ee aaga Ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa ee loo yaqaano AFCTFA.

Wasiirka oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aaga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee dalka iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad intii uu ku guda jiray Kulanka yiri: “Soomaaliya waxay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa.”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM