Somaliland: Waxba nagama quseeya Dastuurka Soomaaliya

Image
Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay "dastuurka cusub".

Hargeysa- Soomaaliya - Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dastuurka cusub ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya toddobaadkii hore, ka dib wareysi uu wasiirka warfaafinta maamulkaas Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) siiyay BBC-da.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xaqiijiyey in tillaabada Baarlamaanka Federaalka ay meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee midnimada Somaliland iyo Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay leedahay dastuur u gaar ah, waxaanu weerar ku qaaday wakiilada maamulkaas matala, isaga oo yiri“Qof xilka markuu ka dhamaado ay tahay in uu cafis weydiisto madaxweynaha Somaliland siduu dal u ma talayaa?”

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay 4-ta cutub ee ugu horeeya dastuurka, kuwaasi oo ka kooban qodobo ku saabsan doorashooyinka iyo haykalka dowladnimo.

Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dowladda iyo sidoo kale maamulka Puntland oo kalsoonida kala noqday dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM