Soomaaligii ugu horeeyay ee lagu qabto dagaalka Ruushka & Ukraine oo soo hadlay

Image
Dagaalka Ruushka & Ukraine ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 600,000 oo askari.

Kyiv (GO) - Maxbuus Soomaali ah oo ciidamada Ukraine ay qabteen xili uu ka barbar dagaalamayay ciidamada Ruushka ayaa sheegay inuu doonayay inuu waardiye ka noqdo dalka Ruushka ka hor inta aan isagoon ogeyn loo dirin furimaha dagaalka.

Ninkan lagu magacaabo Bashiir ayaa sheegay in waxa uu doonayay ay tahay in uu helo dhaqaale ku filan oo u diro qoyskiisa ku nool Soomaaliya, islamarkaana uu u heli lahaa nolol dhaanta tii hore.

Bashiir ayaa sheegay in bishii August ee sanadkii hore uu u safray dalka Ruushka si uu shaqo u raadsado, xilli uu arkay boorar xayeysiinaya ka qeyb galka Ciidamada Ruushka.

Waxa loo sheegay in la tababari doono oo uu ka shaqayn doono gudaha dalka Ruushka oo kaliya, isaga oo aaminsanaa in uu waardiye ka noqon doono xarun ciidan, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan is lahaa waardiye ayaa noqon doonta, oo kaliya amar ku leh ciddi albaabkaas ka soo geli karta iyo kuwa loo diido." ayuu yiri Bashiir.

Bashiir ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee lagu qabto dagaalka ka qarxay Ruushka & Ukraine Febraayo 24, 2022, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 600,000 oo askari oo labada dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM