Soomaaliya: Al-Shabaab oo weerartay saldhig laga ilaaliyo amniga Baydhabo

Image

Baydhabo – Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa saldhig militeri oo ku yaalla Bay Burjeed, oo ku dhow magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay goobta, inkastoo weli aan la helin war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ama mas’uuliyiinta deegaanka oo faahfaahinaya khasaaraha iyo tirada dhaawacyada ama dhimashada.

Weerarkan ayaa ah kii labaad oo muddo laba bilood gudahood ah lagu qaado Bay Burjeed, ka dib markii weerar hore oo dhacay 17-kii Abriil lagu sheegay in ciidamada deegaanka ay si guul leh uga hortageen una galeen dagaal culus Al-Shabaab.

Ciidamada dowlad-goboleedka iyo kuwa ammaanka ayaa si joogto ah ugu hawlan sugidda ammaanka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo weli ah halis weyn oo ka taagan gobolka Bay iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa la filayaa inay dhawaan soo saaraan war rasmi ah oo ku saabsan weerarkan cusub.

Waxaa weli socda dadaallo lagu xoojinayo ammaanka si looga hortago weerarro kale oo kooxdu qorshaynayso inay fuliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM