Soomaaliya: Askar kamid noqonaysa Baanda Musikada oo tababar loosoo xiray

Image
Munaasabadan waxa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye Muqdisho-Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa Tababar u soo Xiray 70 Askar Cusub Kana mid Noqon Doono Qeybta Hab Maamuuska Gaar ahaan Baanda Musikada Boliiska Soomaaliyeed,

Munaasabadana Tababarka loogu Soo xiraayey Ciidanka Cusub waxaa Goob Joog ahaa Taliye X/geenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kiniif) iyo Saraakiilkale.

Munaasabadan waxa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye Muqdisho-Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa Dadaal Xoogan ugu jira Hormarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Tayeyntooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM