Soomaaliya: Axmed Madoobe oo soo afjary hadalkii ahaa dalka kama bixi kara

Image

KISMAAYO - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa subaxnimadii Sabtida u duulay Kenya isagoo raacay diyaarad gaar ah, oo kiro ah, taasoo ka dejisay magaaladda Nairobi.

Waa safarkaasii ugu horreeyay tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxweynenimo ee Jubbaland markii 3aad doorasho kadhacay November 2024 Kismaayo, taasoo aysan dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsan.

Sida xogaha Garowe Online helay ay sheegayaan, Axmed Madoobe ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doono safiirada beesha caalamka ee ku sugan Kenya, si uu ugala hadlo arrimaha Jubaland iyo Mashaariicda ay siiyaan sidii loo dardar-gelin lahaa.

Sidoo kale, Qodobada laga doodi doono ayaa waxaa kamid ah khilaafka ka dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka, oo meeshii ugu xumayd maraya. Dowladda federaalka ayaa soo saartay amar lagu xirayo Axmed Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.

Ilo wareedyo kale ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo inuu safar rasmi ah ku aado Imaaraadka Carabta oo xiriir dhaw kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa ka dhashay isbeddelo lagu sameeyay dastuurka iyo nidaamka doorashada, kuwaas oo sare u qaaday xiisadaha labada dhinac. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM