Soomaaliya: Barlamanka Federaalka oo Dib u Furmaya – Maxaa Lagu Heshiiyey?

Image

Muqdisho, 5 May 2025 – Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib u furmaya, kaddib muddo uu xirnaa sababo la xiriiray khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la diidey in laga qabto. 

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in wadahadal u dhexeeyey xildhibaanada mucaaradka iyo guddoonka baarlamaanka uu sababay in la gaaro isfaham ku aaddan in fadhiyada dib loo bilaabo. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in furitaanka aan lagu carqaladeyn xubnaha horey u diiday.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shalay soo saaray qoraal rasmi ah oo looga qaaday xannibaaddii saarneyd 20 xildhibaan oo la sheegay inay horay uga soo horjeedeen furitaanka fadhiyada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, oo ku maqan safar dibadda ah, ayaa la filayaa inuu dalka ku soo laabto Talaadada, si uu ula kulmo xildhibaanada mucaaradka iyo dhinacyada kale ee baarlamaanka.

Mid kamid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in haddii mooshinada loo gudbiyo si waafaqsan xeer-hoosaadka iyo Dastuurka, aysan jirin wax diidaya in baarlamaanku si caadi ah u furo fadhiyadiisa.

Sidoo kale warar la helayo ayaa tilmaamaya in xildhibaanada mucaaradka ay weli wadaan qorshe ay mooshin kaga keenayaan Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo arrintaas aan weli si rasmi ah loo shaacin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wadahadalladii Dowladaha Federaalka iyo Jubaland Oo Fashilmay

Kuma eka Jubaland oo keliya; Xasan Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale khilaaf kala dhaxeeyaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    06-10-2025

  • 10:31AM

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM