Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Daacish ka saarey saldhigyo muhiim

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa Jimcihii bilaabay howlgal ballaaran oo lagaga saarayo kooxda Daacish (ISIS) buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo lagu burburiyey saldhigyo muhiim ah iyo hub farabadan oo kooxdaasi lahayd, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Weerarka oo si gaar ah loogu beegsaday deegaanka Togga Miraale, oo muddo dheer loo aqoonsanaa saldhigga ugu xooggan ee Daacish ee waqooyiga bari ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay in la jebiyo difaacyadii ugu dambeeyay ee kooxdaas.

"Ciidamadu waxay si buuxda u burburiyeen xaruntii ugu dambeysay ee difaac ee kooxda Daacish ee Togga Miraale," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ammaanka Puntland. "Howlgalka wuxuu qaatay in ka badan bil sababo la xiriira dhufeysyada adag iyo dhulka buuraha ah."

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgalka uu marayo wajigiisii ugu dambeeyay, islamarkaana dagaalyahanadii haray ee kooxda Daacish lagu cadaadiyay dhufeyso kooban oo ay ku jiraan.

Kooxda ISIS ayaa waxaa Calmiskaad ku dhisay C/qaadir Muumin 2015, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa mudo bilooyin ah Boosaaso ku shaqeynayay isago isku-daba-ridaya howlgallada, islamarkaana abaabulaya shacabka si loo taageero Ciidamada dagaalka kula jira Daacish.

Sidoo kale, ciidamada Maraykanka iyo dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa taageero ka geystay weerarka iyagoo bixiyay duqeymo cirka ah iyo xogta sirdoonka, si loo wiiqo awoodda kooxda Daacish ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM