Soomaaliya: Diyaarado ka degay Kismaayo iyo Isku-daygii DFS ee xayiraadda oo fashilmay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa fashilmay isku-daygii dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ee lagu saarayay xayiraadda Jubaland, gaar ahaan dhinaca safarka, taasoo ujeedkeedu ahaa in Axmed Madoobe lagu cadaadiyo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, oo aan heshiis lagu ahayn dalka.

Labo diyaaradood ayaa ka degay Kismaayo tan iyo shalay, kuwaasoo aan la ogeyn dalalka laga leeyahay, maadaama Maamulka Jubaland wax fahfaahin ah ka bixin safarada ay ku tageen magaaladda waxa ay salka ku hayeen.

Macluumaad uu warsidaha Garowe Online helaya ayaa sheegay in labada diyaaradood ay mid qaadey Madaxweyne Xasan Madoobe, oo geysay magaaladda Nairobi, ee caasimadda wadanka Kenya, halkaasoo uu kulamo kula leeyahay wakiilada beesha caalamka iyo hay'ado kala duwan oo mashariicda horumarineed kala hadlaya.

Diyaaradda 2aad ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka degtay Kismaayo, oo ay ka qaadey Wasiiro Jubaland katirsan, oo gaarey magaaladda Addis Ababa, waxayna duulimaad kale ay Odayaal uga soo qaadey isla magaaladda, kuwaasoo ay geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya, oo shalay su'aallo laga waydiiyay diyaarada Kismaayo tagtay ee qaadey Axmed Madoobe. [Halkan ka akhri]

Waxay tani muujinaysaa inuusan shaqeyn isku-daygii maamulka Xasan Sheekh ee diyaaradaha looga joojiyay Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee hoostaga maamulka Jubaland. Hawada Soomaaliya oo la sheegay in Muqdisho laga maamulo, ayaa isticmaala diyaaradaha aan dowlada federaalka ogeyn.

Marka ay timaado xaalad siyaasadeed iyo khilaaf, waxay inta badan dowladda Federaalka saartaa xayiraado dhanka duulimaadka Maamullada ay is hayaan, waana markii 2aad oo Jubaland la saarayo cunaqabateynta tan iyo maamulkii Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM