Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Image

Laascaanood – Labada Issin ee ugu sarreeya gobollada Sool iyo Sanaag, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa habeenkii xalay hadallo toos ah uga jeediyey warbaahinta, iyaga oo si cad ugu gacan sayray qorshaha siyaasadeed ee ay wadaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta maamulka Khaatumo oo taageero ka helaya Villa Soomaaliya.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka la qorsheynayo in lagu dhisayo maamul goboleedka Khaatumo uu yahay mid qaldan oo aan heshiis lagu aheyn. Wuxuu sheegay in beelaha Warsangeli aan khasab lagu keeni karin shir aysan waxba ka ogayn, isla markaana aan la aqbali karin in la sheegto in lagu matalayo Laascaanood.

Garaadka oo ah garaadka taarikhiyan ugu faca weyn gobolada Sool iyo Cayn, ayaa carrabka ku adkeeyey in 15 sano waxa uu diidayey uusan hadda aqbaleyn taasoo ah in la sheegto walaalaha daga gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Dhankiisa, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo hadalkiisa ku xigay kii Garaadka, ayaa isna si cad u sheegay in aanay jirin cid reer Sanaag matasha oo ka qayb galeysa shirka lagu qabanayo Laascaanood. Wuxuu ugu baaqay dadka reer Sool in ay ixtiraamaan walaalahooda reer Sanaag, kuwaasoo garab taagnaa xilliyadii adkaa ee dib u soo celinta gobolka Sool.

Hadallada labada Issin ayaa loo arkay dhabar-jab culus oo gaaray qaar ka tirsan siyaasiyiinta maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo ku dadaalayey in si qasab ah gobollada Sanaag iyo Haylaan loogu daro qorshaha maamul-dhiska cusub ee Khaatumo, arrintaas oo ay si adag uga horyimaadeen madaxda dhaqanka ee deegaankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wajahaysa caqabado badan oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab, khilaafaad siyaasadeed iyo xilli kala guur ah oo muddo xileedkeedu gabaabsi yahay, ayaa lagu eedeeyey in ay xoog saarayso qorshe siyaasadeed oo aan loo dhameyn islamarkaana uga dan-leedahay in lagu wiiqo midnimada Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM