Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiisyo Iskaashi

Image
Image
Image

Baku, Azerbaijan – Febraayo 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Heshiisyada la saxiixay ayaa diiradda saaraya waxbarashada, tamarta, amniga, iyo horumarinta maamulka. Azerbaijan ayaa ogolaatay in ay Soomaaliya ka taageerto kobcinta waxbarashada, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, iyo horumarinta cilmi-baarista. Sidoo kale, waxaa la isku afgartay iskaashi dhanka tamarta, gaar ahaan shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga, labada dal ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta tababarada ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada. Waxaa sidoo kale la isku raacay casriyeynta maamulka dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan, Ilham Aliyev, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Azerbaijan ayaa imaanaya xilli kulan madaxda aduunka iskugu imaanaysay oo lagu qabaneyey Dubai laga casumay madaxweynaha maamulka Somaliland. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM