Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray iskaashiga baarlamaanada labada dal

Image
Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa soo gaarey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi.

Guddoomiyaha iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada labada wadan.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Ciraaq ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada saaxiibtinimada ee baarlamaanada labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM