Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray fulinta "howlgalo gaar ah"

Image
Howlgaladan ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee dalka looga saarayo "kooxaha argagixisada ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel  David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM