Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka shiray xasiloonida Geeska Afrika

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber.

Xasan Sheekh iyo Annette ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.

"Egeyga Midwoga Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Warka qoraalka ah ee Madaxtooyadda ayaa intaas ku daray: "Iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya". 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya," ayuu bayaanka intaas sii raciyay.

Dhanka kale, inta uu socdey wadaxaajoodka, Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM