Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka shiray masiirka ciidanka ATMIS

Image
Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa wadahadalo ku yeeshay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Booliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab. 

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu daqsaha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM