Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka shiray xoojinta iskaashi dhexmara

Image
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka ayaa qaabilay Danjire Axmed Binu Muxumed Al-Mawlid.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Binu Muxumed Al-Mawlid.

Labada mas'uul ayaa, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah, waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Saalax ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Binu Muxumed Al-Mawlid, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Saalax ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM