Soomaaliya iyo Save the Children oo kala saxiixdey heshiis is-afgarad ah

Image
Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling.

Aishling waxaa wehliyay madaxa Save the Children Somalia, Mohamud Mohamed Hassan, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya ubadkeena.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka, si looga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM