Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Image
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baashe Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay, waxaana ay isla garteen in la sii xoojiyo wada shaqeynta Garsoorka ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Wang ayaa yiri: "Waxaan wadahadal dhiirigelin ah la yeeshay guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo ku saabsanaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga garsoorka ee labada dal".

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM