Soomaaliya iyo Slovenia oo ka shiray amniga iyo isbedelka cimilada

Image
Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia.

MUQDISHO, Soomaaliya — Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia, Tanja Fajon, oo booqasho ku timid dalka.

Raiisul Wasaaraha iyo Raiisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.

Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM