Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Image
Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka oo kamid ah Baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS

XHG oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay Waaxda Baarista Waxqabadka, isaga oo Bangiga Aduunka iyo Bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta Waaxda Baarista Waxqabadka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM