Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya dhanka difaaca

Image
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga ayaa ku kulmay magaalada Rome.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga ayaa maanta magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga ku yeeshay kulan looga hadlay wadashaqeynta labada Wasaaradood ee Arrimaha Difaaca.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta uu kulanka socday dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Saaaxibada Caalamka xilligan.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dagaal ka dhan kooxda ‘AS' isla amrkaana wajahayso Khataro la xiriira damaca ay dowladda Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku jirta dadaal ay ku abuureyso xulufo ka taageeraya dhanka difaaca, kuwaas oo ka kooban wadamo gobolka ah oo Soomaaliya la wadaaga caqbadaha ka taagan Bariga Africa iyo dalal Caalami ah.

Inta uu socdo "Shirka Talyaaniga & dalalka Afrika" ayaa la filayaa in dowladda Soomaaliya heshiis iska kaashi dhanka Amaanka iyo Difaaca ah ay kala saxiixato qaar ka mid ah wadamda ka qeyb galaya Shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM