Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray iskaashi dhanka milatariga

Image
Labadan waddan ayaa waxa ay wajahayaan halis uga imaanaysa dagaalameyaasha Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Argagixisada ah.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo khawaarijta arxanka daran iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM