Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Image

Kampala, Uganda – Soomaaliya iyo Uganda ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan saddex heshiis is-afgarad ah (MoUs) intii uu socdo Kalfadhiga Labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah (Joint Permanent Commission - JPC) oo lagu qabanayo magaalada Kampala 7–8 Oktoobar 2025.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkan oo lagu magacaabay "Shirka Maalgelinta iyo Ganacsiga".

Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, waxaana halkudhiggiisu yahay: "Xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda iyada oo loo marayo ganacsi, maalgelin iyo dalxiis, iyo ka faa’iideysiga fursadaha labada dal."

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal. Kalfadhigii ugu horreeyay waxa uu sidoo kale ka dhacay Kampala bishii Agoosto 2022.

Saddexda MoU ee la filayo in la saxiixo ayaa la rumeysan yahay inay daboolayaan arrimo ay ka mid yihiin:

  • Iskaashiga ganacsiga iyo maalgelinta
  • Horumarinta dalxiiska
  • Kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka amniga

Waxaa la rajeynayaa in shirka uu furo fursado hor leh oo ku saabsan ganacsiga xorta ah, kobaca dhaqaalaha, iyo iskaashi istiraatiiji ah oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM