Soomaaliya iyo UN-ka oo ka shiray arrimaha doorashooyinka

Image
Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horutabinta leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo uu wehliyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horutabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana Ergayga dhankiisa Guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeyta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahadceliyay Ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya taageeradooda Soomaaliya, waxaa uuna tilmaamay in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM