Soomaaliya iyo UN-ka oo ka shiray arrimaha doorashooyinka

Image
Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horutabinta leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo uu wehliyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay shaqooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda horutabinta leh iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana Ergayga dhankiisa Guddoomiyaha uga warbixiyay shaqooyinka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeyta xafiiska Qaramada Midoobay iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahadceliyay Ergayga iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya taageeradooda Soomaaliya, waxaa uuna tilmaamay in Golaha Shacabka kalfadhiga shanaad ee dhowaan furmay horyaalaan shuruuc muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM