Soomaaliya: Mas'uuliyiin lagu waayay musuqmaasuq oo lasii daayay

Image
Labadan agaasime ayaa ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah sii deysay labo agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sii deynta labadan shaqsi ayaa waxa ay ka dambeysay ka gadaal markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay kaasoo ahaa in ay sameeyeen musuq maasuq baahsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Sayid Cali Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Maxkamaddu aysan wax dambi ah ku helin C/llaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar, waxaana uu ku amray Hay’adaha ay khuseyso in la sii daayo, isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo.

Taas bedelkeeda, Maxkamaddu waxay saddex sano oo xarig ah ku xukuntay C/waaxid Muxsin Ibraahim oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada, ka dib markii lagu helay in lacag lagu shubay Akoonkiisa halkii Qasnada dawladda.

Bishii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay dambiyo la xiriira musuq maasuq ku weyday Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Muxidiin Xasan Jurus ‘Saabey’ oo ahaa Madaxii Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM