Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo shir saddex geesood ah uga bilowdey Asmara

Image
Dhismaha isbaheysigan ayaa kusoo aadaya yadda oo saddexda dal uu mid kasta khilaaf gooni ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayneyaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa shir saddex-geesood ah waxa uu uga bilowday magaalada Asmara.

Kulankan kadib ayaa waxaa la filayaa in ay ku sameysteen isbaheysi dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo diblumaasiyadda ah.

Dhismaha isbaheysigan ayaa kusoo aadaya yadda oo saddexda dal uu mid kasta khilaaf gooni ah kala dhaxeeyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku-haya qaddiyada Somaliland. Itoobiya iyo Masar ayaa isku haya webiga Nile. Eritrea iyo Itoobiya ayaa wali loolankooda daaha gadaashiisa yahay.

Sanadkii 2018-kii, Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa isku-dhinac ahaa iyadda oo go’doomiyey Masar.

Is-xulafeysiga cusub looga dhawaaqi doono Asmara ayaa la filayaa inuu wax badan ka badali dono siyaasadda Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa isbaheysigan la filayaa inuu jaangooyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ee badali dojono Taliska ATMIS.

Soomaaliya ayaa dooneysa in howlgalkaas cusub laga saaro Itoobiya balse waxaa kasoo horjeeda Uganda iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM