Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Image
Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM