Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay
MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/Salam Dhaay, ayaa ugu baaqay dalalka Hindiya iyo Pakistan in ay is-xakameeyaan oo ay khilaafkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo waddo diblomaasiyadeed, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya labada deris ee hubka nukliyeerka leh.
Khamiistii, intii lagu jiray wadahadal khadka telefoon uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan, Ishaq Dar, Wasiir Omer ayaa ugu baaqay labada dal in ay mudnaanta siiyaan nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wicitaanku waxa uu imaanayaa iyadoo laga baqayo dagaal baaxad leh kadib weerarro iyo eedeymo is-dhaafsi ah oo dhawaan dhacay.
“Somalia waxay ku dhiirrigelinaysaa Hindiya iyo Pakistan in ay xoogga saaraan wada-hadalka iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Wasiirka.
Soomaaliya iyo Pakistan labaduba waxay xilligaan yihiin xubno aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Labada wasiir waxay sidoo kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta nabadda iyo ammaanka adduunka.
Xiisadda u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya, halkaas oo 22-kii Abriil lagu dilay 26 qof oo badankood ahaayeen dalxiisayaal. Weerarkaasi ayaa kiciyay caro xooggan oo ka dhalatay gudaha Hindiya, iyadoo la saadaalinayay suuragalnimada tallaabo ciidan oo ay qaado New Delhi.
Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa toddobaadkan hore sheegay in ay hayaan “xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaysa suuragalnimada weerar ay Hindiya ku qaaddo gudaha 24 ilaa 36 saacadood. Inkasta oo waqtigaasi uu dhaafay iyadoo aan wax weerar ahi dhicin, haddana xaaladda ayaa weli ah mid kacsan.
Talaadadii, Hindiya ayaa xirtay hawadeeda diyaaradaha ganacsiga ee Pakistan, taasoo noqotay tallaabo ka jawaabeysa go’aankii Pakistan ee isbuucii hore ay ku xirtay hawadeeda, kadib markii Hindiya joojisay bixinta fiisooyinka muwaadiniinta Pakistan iyo ka noqoshada heshiiskii wadaagga biyaha.
Baaqa Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaallada beesha caalamka ay ku doonayso in lagu dejiyo xiisadda, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay u gacan gasho qalad sababi kara dagaal aan la xakameyn karin oo u dhexeeya labada wadan ee muddo dheer colaaddu u dhaxeysay.
GAROWE ONLINE