Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Image
Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Bare Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga dalka Finland Sandra Bergqvist.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay wadashaqeynta ka dhaxeysa guud ahaan labada dal gaar ahaan labada wasaaradood. Labada Wasiir ayaa sidoo kale kulankooda kaga warbixiyay xaaladaha ay ku suganyihiin Dhallinyarada labada dal.

Wasiir Maxamed Bare ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in labada Wasaaradood ay ka wada shaqeeyaan sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed si ay qeyb kaga noqdaan nidaamka nabad-dhiska dalka maadaama dalka Finland uu yahay dalkii ugu horeeyay ee qorshe howleed qaran u sameeya qaraarka Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay (UNSCR 2250).

Ergeyga Wasaaradda Arimaha Dibeda Finland u qaabilsan arimaha nabadda geeska Afrika Md. Suldaan Saciid oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa asagana ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada ay qeyb ka noqdaan arimaha nabadeynta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii kaga mahadceliyay Wasiirka dhigiisa ah wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM