Soomaaliya oo dib-u-eegis ku sameynaysa sharciyada ha’yaddaha fulinta

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra'iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan. 

Wasiirka koowaad ee xukuumada ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Xamse ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Xamsa waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis  lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM