Soomaaliya oo "faragelin iyo kicin qabiil" ku eedeysay Itoobiya

Image
Eedeyntan waxay qeyb ka tahay khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhaxeysay dhinacyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa Jimcihii ku eedeysay Itoobiya inay faragelin ku heyso gudaha maamul goboleedka Jubaland. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah khilaaf xooggan oo muddo sannad ku dhow ka dhex taagnaa labada dowladood.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku maandhaafsanaa tan iyo markii dalka Itoobiya bishii January ee sanadkan uu heshiis la galay maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

Heshiiskaas wuxuu ku saabsanaa in ay ka kireeyaan dhul xeebeed deked iyo saldhig milatari oo ay ku beddelanayaan aqoonsi, inkasta oo aanay Addis Ababa xaqiijin.

Soomaaliya oo colaad ka daashay waa federaal ka kooban shan dowlad goboleed oo kala ah Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed - iyo dowladda dhexe ee Muqdisho.

Eedeynta Soomaaliya ayaa sidoo kale imaaneysa wax yar kadib markii Jubaland dib loo doortay madaxwayne Axmed Madoobe, taasoo ka careysiisay dowladda dhexe oo rajaynaysay inay la jaanqaado doorashada mustaqbalka ee dalka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM