Soomaaliya oo guddoomisay shir ku saabsan isgaarsiinta Bariga Afrika

Image
Bangiga Aduunka ayaa qeyb ka ahaa kulankan oo diiradda saarey is-dhex-galka isgaarsiinta gobolka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Maxamed Aadan Macalin iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah Magaalada Nairobi ugu furay Shirka Xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarinta ganacsiga, la tacaalidda musiibooyinka deegaanka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa sharxay Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa is-dhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Isku-xirka Internetka.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalintiisa.

Sidoo kale Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hey'adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey'adda Isgaarsiinta Qaranka, Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo Mas'uuliyiin kale.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay waddaa dadaal looga faa'iideysanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Horumarka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM