Soomaaliya oo guul kale oo weyn ka gaartey barnaamijka deyn cafinta

Image
Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafiyo deymihii ay ku lahaayeen dalalka loo yaqaano kooxda Paris Club. Waa tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu soo laabto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club, oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah wadamo badan oo deyman bixiyeyaal ah.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelatay in ka badan $4.5 bilyan oo deyn cafis ah bishii December kadib markii ay buuxisay shuruudihii ay ku xireen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxay gaartay barta"Dhammaystirka" Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahy (HIPC), waxaana dalka kusoo laabanayaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah kadib in ka badan 30 sano uu ka maqnaa sababo ku aadan xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM