Soomaaliya oo guul kale oo weyn ka gaartey barnaamijka deyn cafinta

Image
Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya — Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% laga cafiyo deymihii ay ku lahaayeen dalalka loo yaqaano kooxda Paris Club. Waa tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu soo laabto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club, oo ah hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah wadamo badan oo deyman bixiyeyaal ah.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelatay in ka badan $4.5 bilyan oo deyn cafis ah bishii December kadib markii ay buuxisay shuruudihii ay ku xireen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxay gaartay barta"Dhammaystirka" Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan lagu leeyahy (HIPC), waxaana dalka kusoo laabanayaa nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah kadib in ka badan 30 sano uu ka maqnaa sababo ku aadan xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM