Soomaaliya oo Imaaraadka waydiisatay taageero dhanka u adkaysiga aafooyinka

Image
Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa loo gudbiyay codsigan kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Hay'adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii Imaaraadka SoDMA uga taageeri lahaa mashaariicda u adkaysiga aafooyinka, ka soo kabashada waxyeelladii ay geeysteen fatahaadihii hore ee El-nino iyo in laga shaqeeyo mashaariicda soo kabashada xalalka waara.

Waxyaabaha kale ee kulankaan lagu faaqiday waxaa kamid ah qorshaha soo socda ee dhawaan Dowladda Imaaraadka ku saacideeyso hay’adda SoDMA , u diyaar garowga waxyaabaha dhici kara xiliyada soo socda ee laga cabsi qabo inay roob yari dhacdo taas oo sababi doonta abaar iyo In loo diyaar garoobo lana helo kayd dhammeystiran si deg deg looga jawaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM