Soomaaliya oo ka aamustay qaraar taageeraya Muslimiin la xasuuqay

Image
Shaki badan ayaa ka dhashay go’aankan oo wali aysan fahfaahin ka bixin xukuumadda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka ay Dowladda Soomaaliya uga aamustay codeyn qarsoodi ah oo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaaday qaraarka  xasuuqa ee Srebrenica ayaa shaki badan dhaliyay.

Soomaaliya, Marooko iyo Israa’iil ayaa ka mid ah 20-ka waddan ee aan codkooda dhiiban, iyadoo Qaraarka Qaramada Midoobay uu 11-ka Luulyo u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee sannadlaha ah si loo xuso xasuuqii Srebrenica ee sannadkii 1995-kii oo ay ciidammada Serbiyiinta Bosnia u geysteen in ka badan 8,000 oo qof oo isugu jiray wiilal iyo rag Muslimiin Bosnia ah.

Jabuuti ayaa ka mid ah 84-ka dal ee u codeeyay qaraarkan, halka 19 dal ay diideen.

Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Suudaan ayaa ka mid ah 68 dal oo ka aamusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM