Soomaaliya oo ka aamustay qaraar taageeraya Muslimiin la xasuuqay

Image
Shaki badan ayaa ka dhashay go’aankan oo wali aysan fahfaahin ka bixin xukuumadda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka ay Dowladda Soomaaliya uga aamustay codeyn qarsoodi ah oo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaaday qaraarka  xasuuqa ee Srebrenica ayaa shaki badan dhaliyay.

Soomaaliya, Marooko iyo Israa’iil ayaa ka mid ah 20-ka waddan ee aan codkooda dhiiban, iyadoo Qaraarka Qaramada Midoobay uu 11-ka Luulyo u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee sannadlaha ah si loo xuso xasuuqii Srebrenica ee sannadkii 1995-kii oo ay ciidammada Serbiyiinta Bosnia u geysteen in ka badan 8,000 oo qof oo isugu jiray wiilal iyo rag Muslimiin Bosnia ah.

Jabuuti ayaa ka mid ah 84-ka dal ee u codeeyay qaraarkan, halka 19 dal ay diideen.

Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Suudaan ayaa ka mid ah 68 dal oo ka aamusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM