Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka qabsoomay magaalada Nairobi

Image
Kulankan ayaa ah shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada, sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiirigelinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay u dhanyihiin dowladahaas, taas oo faa'iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika.

Shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka Xoghayayaaash Guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM