Soomaaliya oo ka qeybgashay shir lagu laalay ciqaabta dil toogashada

Image
Kulankan ayaa ahaa Kalfadhigii saddexaad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Baarlamaan weynaha Afrika.

NAIROBI, Kenya - Kalfadhigii saddexaad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Baarlamaan weynaha Afrika oo socday intii u dhaxaysay 24-kii Juun ilaa 5-tii Luulyo,2024 ayaa lagu soo gaba gabeeyay xarunta baarlamaanka Pan-Afrika ee ku taal Magaaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Africa,waxaana Soomaaliya shirkaasi ku mataleysay Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BJFS.

Shirka sanadkan oo mowduuciisu ahaa nidaaminta Iyo kordhinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo loo dhanyahay qaaradda Afrika ayaa mudadii uu socday waxa ay ka qeyb galayaasha shirka ka doodeen warbixino ka kooban 12-qodob (laba Iyo toban qodob) oo ay soo bandhigeen guddiyo loo xilsaaray,waxaana qodobada aadka looga dooday ka mid ahaa in baarlamaanka Afrika uu noqdo sharci dejiye rasmi ah Iyo Sidoo kale ansixinta xeerarka qabyada ah ee la xiriira nidaamyada mideeyay wadamada Midowga Afrika.

Go,aanada shirka kasoo baxay.

1-Qaraarka Mawduuc sanadeedka Midowga Afrika ee 2024 oo ku saleysnaa Nidaaminta iyo Kordhinta Helitaanka Waxbrasho tayo leh oo loo dhanyahay Afrika.

2-Go'aanka Ansixinta Sharciga Xeerka Iskaashatooyinka Afrika.

3-Go'aanka caqabadaha hortaagan fulinta wax ku oolka ah ee go'aamada maamulka Midowga Afrika iyo hay'adaha xuquuqul insaanka.

4- Go'aanka baabi'inta ciqaabta dilka ee Afrika.

5- Qaraarka Tixgelinta Warbixinta Waxqabad ee Baarlamaanka Pan-Afrika.

6- Go'aanka Horumarinta Dhaqdhaqaaqa isku socodka xorta ah ee Afrika.

7- Go'aanka maalgelinta guddiyada gobolka ee baarlamaanka Pan-Afrika.

8- Go'aanka Ku Saabsan Daroogada oo caqabad ku ah Waxbarashada loo dhanyahay tayo sarena leh ee la xiriirta Afrika.

9- Qaraarka Natiijadii ka soo baxday Shirweynihii 14-aad ee Baarlamaanka Afrika ee Xuquuqda Haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM