Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlay tayeynta waxbarashada

Image
Kulankan oo ka dhacay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa yeeshay xoghayaasha Baarlamaanka Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka mid ah Golaha fulinta ee xoghayaaasha Baarlamaanka Pan-Afrika iyo xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Magaaladda Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka xoghayaasha Baarlamaanka Afrika oo maanta ka furmay halkaasi.

Shirka waxaa looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada iyo tayeynta xirfadda dhalinyaradda qaaradda Afrika iyo sidii qarnigan 21-aad muhiimad gaar ah loo siin lahaa horumarka qaaradda.

Ajendaha guud ee kukanka oo ah Ajendaha ururka ee sanadka 2063,waxa uu horudhac u yahay shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika oo maalinta beri ah si rasmi ah u furmi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM